DHAGEYSO:- Soomaaliland inay Soomaaliya ka Go,do Waa laga Shaqeeyey.

0

Iyadoo dhowrjeer ay baaqdeen Wadda hadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya ayaa wali waxaa socda isku dayo ay wadaan Waxgarad iyo siyaasiin sidii dib loogu bilaabi lahaa wadda hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Aqoonyahan Maxamed Khaliif Wardheere oo kamid ah Dadkii lasoo shaqeeyey dawlada Hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliland ay dayacday dawlada Soomaaliya isla markaana lagu kalifay inay isaga Go,aan Soomaaliya inteeda kale.

Aqoonyahankan ayaa sidoo kale wuxuu sheegay hadii la doonayo in dib laysugu soo celiyo Soomaaliya ay hayd in Soomaaliland lagudoonsiyo Raysal wasaaraha Soomaaliya kaasoo xiligan laga doorto Muqdisho Ama Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Sidoo kale Madaxda kale ee ugu saraysa Soomaaliya.

Maxamed Khaliif Wardheere ayaa soo hadal qaaday in gacmo shisheeye ay kala fogaynayaan Shacabka Soomaaliyeed isla markaana aysan u ogolayn inay hal mar Midoobaan ayna Soomaaliland Afkula hadlayaan Soomaaliya inteeda kalana Afkula hadlayaan sida uu sheegay.