AKHRISO:- Dowladda Federaalka Oo Biloowday Bixinta Ruqsadaha Kaluumeysi Ee Badda Soomaaliya

0

Munaasabadaan Taariikhiga ah oo hadafkeedu ahaa daahfurka bixinta Ruqsadaha kallumeysiga ee badweynta Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka dalka, Wasiirada Kaluumeysiga iyo shaqada iyo arrimaha bulshada, Safiirada dalalka China iyo Talyaaniga, iyo madax ka socotay Bangiga aduunka iyo FAO.

Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay Ayaa sharaxay heshiiskaan iyo waxa uu ku saabsanyahay, wuxuuna dhinaca kale fariin u diray maraakiibta sida sharci darada ah uga kallumeysta badaha Soomaaliya.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in heshiisyadaan laga dhaxli doono shaqo abuur iyo dhaqaalaha dalka oo kobca .