SAWIRRO:-Wasiirka Waxbarashada XFS oo Kulan sagootin ah u sameeyay Guddoomiyaha Jaamacadda Africa ee Dalka Suudaan

0

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulan sagootin ah ugu sameeyay magaalada Muqdisho Wafdi ka socda Jaamacadda Afrika ee Dalka Suudaan.

Wasiirka ayaa sheegay in wafdigan uu kala hadlay Xoojinta xiiriika dhanka Waxbarashada iyo sidii la iskaga kaashan lahaa horumarinta Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Bogaadiyay Taageerada Waxbarasho oo Dowlada Suudaan ay siiso Ardayda Soomaaliyeed

“Dowladda Suudaan waxay ka mid tahay Dalalka Deeqaha Waxbarasho siiyay dalkeenna, Xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan waa mid qoto dheer, oo ku saabsan dhaqanka iyo diinta, dowladda Suudaan iyo shacabkeeda markii ay baahida dhabta ay jirtay waxa ay natusiyeen in ay garabkeena taagan yihiin mana ilaabi doono.