SAWIRRO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la Kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Turkiga usoo magacoowday Soomaaliya Maxamed Yilmaz ,waxaana ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu danjiraha cusub kusoo dhoweeyay Soomaaliya oo hada shaqadiisa ay toos uga bilaaban doonto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimada ku dhisan ee ka dhaxeeya labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga sidii loo xoojin lahaa iyo sidoo kale sidii Dowladda Turkiga ay usii dar dar gelin laheyd taageeradda dhinacyada kala duwan ee ay mar walba la garab taagantahay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Safiirka ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka sida wanaagsan ee uu usoo dhoweeyay ,waxa uuna u sheegay in aad ugu faraxsanyahay in Soomaaliya uu safiir ka noqdo,isagoo balan qaaday in uu sii xoojin doono xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Dowladda Turkiga iyo Shacabkeeda uga mahad celiyay garab istaagooda Soomaaliya iyo sida ay mar walba uga go’antahay adkeynta Xiriirka labada wadan.