Faah Faahin Ciidamo ka tirsan Puntland oo lagu dilay badhtamaha Bosaso

0

Wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in weerar sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay gudaha magaaladaasi Boosaaso.

Dad shacab ah oo ku sugnaa goobta dilku ka dhacay ayaa sheegeen in rag ku hubaysnaa bastoolado ay laba qof midkoo ku dileen midna dhaawaceen, kuwaas oo ku sugnaa dhabarka dambe ee xarunta dowladda hoose ee magalada Boosaaso.

Wararka qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in labada qof ay ka tirsanaayeen ciidamada amaanka Puntland, waxaana goobta falkaasi ka dhacay gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland kuwaas oo hawlgalo haatan kawada.