Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo war ka soo saaray duqeyntii Basra ee duleedka Balcad

0

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn uu ka fuliyay agagaarka deegaanka Basra ee duleedka Balcad uu ku dilay 4 dagaalame oo ka tirsan Shabaab.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay aheyd mid is difaac ah, kaddib weerar ay la kulmeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee howlgalka waday.

Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in aanay jirin dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay duqeyntaas.

Hey’adda NISA ayaa shalay sheegtay howlgal ciidamada Amniga ka fuliyeen Basra lagu dilay lix dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, lana qabtay madaxii Shabaabka u qaabilsanaa deegaanka.

Warka ka soo baxay Taliska Mareykanka iyo qoraalkii NISA ku faafisay barteeda Twitter-ka ayaa kala duwanaa, inkastoo Mareykanka aanu sheegin in la soo qabtay xubin Shabaab ah.