SAWIRRO:-Wasiirka Difaaca Dalka iyo Taliyaha CXD oo kulan dhiira gelin ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga

0

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali “Amar Dambe” oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka qeyb galay kulan Baroordiiq ah oo loo sameeyay Saraakiishii iyo Askartii dhawaan ku shahiiday Qarax ka dhacay deegaanka Dhanaane.

kulanka oo isugu jiray Baroordiiq iyo dhiira galinta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa ka goob joog ahaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa Faray Saraakiisha Ciidanka in maleeyshiyaadka Al-Shabaab Howlgalka ama isagoo dagalamaya la qabto ay goobta ku dilaan Ciidanka si xanuunka loo tuso cadowga.

Generaal Daahir ayaa tibaaxay in markii hore raga ka tirsan Al-shabaab dagaalka lagu qabto la horgeyn jiray Maxkamad,balse taasi ay sababtay in maleeshiyada Al-Shabaab ka buuxsamaan xabsiyada.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Fadaralka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali Amardambe waxa uu sheegay in kooxda nabad diidka ah ay u hoggaansami waayeen cafiskii uu u fidiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hadda wixii ka danbeeyana uu ka dhaxeeyo dagaal ba’an,islamarkaana loo adkeysan doonin iney markasta laayaan dadka birimageedada ah.

Sidoo kale,Wasiir Amar dambe ayaa tibaaxay in dhwaan la hirgelin doono goobihii lagu xanaaneey jiray Carruurta agoonta Ciidanka Xoogga Dalka.

“ Agoonta ay ka tageen Ciidamada Xoogga dalka sida Taliyaha uu sheegay dhaqan ayay leeyihiin sarkaalka ama sarkaal xigeenada Waagii hore iyo haddaba waxaan la haan jirnay xarun lagu xanaaneeyo agoontaas,sidoo kale agoonta ay ka tageen annigoo ku hadlayo magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumaddaba in daryeel runtii la siin doono aysan tabi doonin Aabayaashoodii ka tagay aadaa u mahadsan tihiin,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxame Cali.