Ciidanka galmudug oo howgallo ka sameysay Dhuusomareeb

0

Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa howlgallo ka sameeyay magaaada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga fuliyay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.

Ku dhaawaad 25 Qof oo u badnaa Dhalinyaro ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay howlgalladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay Galmudug ayaa xoojineysa ammaanka Dhuusomareeb, si looga hortago falal ammaan dari oo ka dhaca gudaha magaaladaasi.