DHAGEYSO:-Hogaamiyaha jubbaland oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad adag

0

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda Soomaaliya xilliggaan ay ku sugan tahay ay tahay Mid u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

Axmed madoobe ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku sugan tahay xaalad halis ah oo u baahan in  waxgaradka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada ay doorkooda qaataan si dalka loo badbaadiyo.

Ujeedada ayuu sheegay in tahay in dalka ay maamulaan dad aan ku sugneyn 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu tilmaamay in Xaaladda Soomaaliya cidda wax ka qabankartaa in ay tahay kaliya dadkii Soomaaliyeed ee ku sugnaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay.