DHAGEYSO:-Soomaali Laga Soo Celiyey Yemen Oo Cabasho Ka Ah UNHCR

0

Qaar ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee laga keenay dalka Yemen ayaa cabasho ka muujiyey Hay’adda UNHCR, kadib markii ay sheegeen iney ballamo uga baxday.

Dadkan ayaa sheegay in hay’adda u ballanqaadday markii ay soo qaadeysay in muddo Lix bil ah ay lacago siin doonto iyo sidoo kale raashiin.

Markii ay Muqdisho yimaadeen ayeey sheegtay iney uga baxday oo laga soo eryey xarunta ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.