DHAGEYSO:-Kulamo Looga Arrinsanayo Dhismaha Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Oo Ka Socda Jowhar

0

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle ayaa waxay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ka waddaa kulamo looga arrinsanayo sidii loo soo dhisi lahaa goleyaasha deegaanka.

Degmooyinka gobolka Shabellaha Dhexe oo ay ugu horreyso Jowhar ayaa la doonayaa in loo dhiso gole deegaan oo doorta hoggaanka maamullada degmooyinkaasi.

Maxamed Cali Caadle oo ah wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa sheegay in la doonayo maamulka in la gaarsiiyo meesha ugu hooseysa si dadka oo dhan uga qeybqaataan.