SAWIRO:- Madaxweynaha Galmudug Xaaf Oo La Kulmay Saraakiisha Ciidamada Booliska Galmudug

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xarunta Madaxtooyada galmudug ee magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Saraakiisha Boliiska ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

kulanka ayaa mid diiradda lagu saaray xaaladaha amni ee dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii loo kordhin lahaa xaqiijinta Amniga.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Booliska Galmudug Saraakiisha talisyada Booliska ee Magaalooyinka Galkacyo ,Dhuusamareeb, Cabudwaaq,Cadaado,Hobyo iyo deegaano kale.