Golaha Shacabka oo maanta kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan xasaasi ah ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.Kulanka maanta ayaa waxaa shir gudoominaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan.

Ajandaha kullanka ayaa maanta waxaa looga hadli doonaa akhrinta 3-aad hindise sharciyeedka Leelitirka, waxaana loo madalsanyahay in xildhibaanada golaha Shacabka ay ka doodaan hindise sharciyeedkaani.

Kulanka Maanta ayaa ka duwan kulamadii hore, tan iyo markii Gudiga maaliyada Golaha Shacab ay Golaha horkeeneen warbixin maaliyeed, taasi oo ay ku sheegeen in xukuumada ay musuq maasuq ku kacday, arintaasi waxaa ay keentay in kulanka golaha shacabka uu baaqdo.

Maalmihii dambe waxaa jiray khilaaf u dhexeeyay Gudoonka iyo xildhibaano qaar oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Maalmihii dambe waxaa jiray khilaaf u dhexeeyay Gudoonka iyo xildhibaano qaar oo ka tirsan Golaha Shacabka.