DHAGEYSO:-Golaha Shacabka oo Meel Mariyay Sharci Xuquuq siinaya Siyaasiyiinta Dowladda

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulankooda caadiga ahaa wax ay ku yeesheen Magalada Muqdisho,iyaga oo ku ansixiyay xeerka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda.

Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxaana soo xaaadiray 170 Mudane.

Guddoomiye Mursal ayaa furitaanka kulanka kadib ka dalbaday Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye inuu akhriyo sharciga xaqsiinta Siyaasiyiinta Dowladda, si loo meel mariyo.