Akhriso:-Soomaali lagu maxkamadeeyay Jaziirada Malta

0

Sideed iyo labaatan sano jir Soomaali ah ayaa waxaa lagu maxkamadeeyay Jaziirada Malta waxaana lagu soo oogay in uu ka dhaga adeegay awaamiirta Booliska uuna isku dayay in uu u gacan qaado balse Boolisku ay iska difaaceen sida lagu daabacay Wargeyska Malta today ee kasoo baxa Jaziiiradaasi.

Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in uu racfaan ka qaatay ninka Soomaaliga ah dhamaan dambiyada lagu soo oogay balse ay sii heyn doonaan ilaamaa maxkamada soo saarto go’aan lagu fasaxaayo, waxa ayna sheegeen in markii horeba lasoo xiray kadib markii sarkaal Boolis ah uu arkay ninkaan Soomaaliga ah ee aan magaciisa la shaacin oo ku hubeysan Midi, isticmaalayna waxyaabaha maanka dooriya sida ay boolisku sheegeen.

Dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyay Soomaaligaan ayaa iska diiday balse Booliska ayaa ku doodaya in ay haayaan cadeymo cad cad oo muujinaya in ninkaani dambigaasi uu galay ayna soo bandhigi doonaan marka kalae oo ay maxkamada u yeerto.

Waxa ay boolisku sheegeen in falkaani ninkaani loo heysto uu ka dhacay deegaanka  Zebbug, Gozo, oo uu ku noolyahay ninkaan Soomaaliga ah ee dambiyadaan lagu soo oogay.