DHAGEYSO:-Sheekh Xasan Daahir oo Al-Shabaab ku taageeray weerarkii Gaalkacyo

0

Wadaadka Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku ah Xabsi guri, ayaa muuqaal uu iska soo duubay oo Baraha Bulshada lagu faafiyay wuxuu kaga hadlay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen 26-kii Bishii la soo dhaafay guri Magaalada Gaalkacyo uu ka daganaaa nin lagu magacaabi jiray C/wali Cilmi Yare iyo xer dhalinyaro u badan uu halkaasi ku haystay.

Xasan Daahir Aweys, ayaa sheegay in weerarkaasi dadkii fuliyay ay ka farxiyeen shacabka Somaliyed, wuxuuna ku taageeray Shabaab fulinta weerarkaasi oo uu sheegay bulshada Somaliyed inay soo dhaweeyeen.