DHAGEYSO:- Galmudug iyo Puntland oo ka arrinsanaya amaanka Gaalkacyo

0

Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo Qeybta Galmudug C/rashiid Cartan ayaa sheegay inay Amniga ka shaqeeyaan islamarkaana ay doonayaan inay ka hortegaan weerarada Xarakada Al Shabaab ka geystaan Magaaladaasi.

Waxa uu ka hadlayey weerarada mararka qaar Al Shabaab ka geystaan Gaalkacyo uguna dambeeyey weerarkii dhawaan lagu qaaday mowlaca C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare,isagoo sheegay in Gaalkacyo keliya aysan weerarada Argagaxiso ka dhicin.

Sidoo kale waxa isna ka hadlay Xaalada Amaan Ee Gaalkacyo Qeybta Puntland Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif waxaana uu sheegay inay jiraan waxyaabo laga rabo labada Maamul inay iskaga soo dhawaadaan.

Waxa uu sheegay Khaliif inay jiraan Galmudug iyo Puntland waxay kala heystaan hadii la isku calool furnaadana Gaalkacyo ay nabad noqoneyso.

Sikastaba hadalka Mas’uuliyiintani waxa uu kusoo aadayaa xilli Siminaar uu kaga socday maalmahaan Madaxda Gobolka Mudug Dalka Jabuuti.