DHAGEYSO:-Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay Ciidamo La Geeyay Baydhabo

0

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada la geeyay Baydhabo uu dalbaday Maamulka Konfur Galbeed.

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Mudane Xasan Xuseen ayaa xusay in Al-Shabaab ay doonayaan inay qal qalgeliyaan doorashada, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada la keenay magaalada ay gacan weyn ka geysan doonaan sugidda amniga magaalada Baydhabo.