DHAGEYSO:- Camey oo sheegay in Waqtigoodii dhammaaday Gollaha Maamul goboleedyada dalka

0

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar(Camey) ayaa dhaliil u jeediyay Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyada ,wuxuu sheegay ineysan doonayn in Soomaali mid noqoto.

Cabdixakiin Camey oo waraysi siinayay mid kamid ah Telefishinada maxaliga ah ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga uu waqtigoodii dhammaaday isla markaana kusoo hareen xubno kooban,kaddib markii ay ka baxeen Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

….” Haraadi baa ku soo haray, nimankan la baxay Golaha Iskaashiga, waqtigooda waa sii dhamaanayaa, shalay markii ay is magacaabayeen iyo maanta isku mid ma ahan, Hirshabeelle horay uga baxday, Shariifkii waa kii is casilay, nimanka hada ku soo haray laftigooda doorasho ayaa ku soo wajahan”ayuu yiri.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa marar badan dhaliilay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ,iyadoona uu jiray mad madow u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Cabdixakiin Camey ayaa la sheefaa in uu xiriir dhow la leeyahay Madaxtooyada Soomaaliya,isagoona taageersan siyaasada Dowladda Federaalka.

Waxa uu marar badan kasoo horjeestay siyaasada ay wadaan madaxda maamul goboleedyada dalka.

CAMEEY allgalgaduud
CAMEEY allgalgaduud