DHAGEYSO:-Musharaxiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo loo digay

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay Musharaxiinta tiradda badan ee ku sugan degaanada maamulka Koonfur Galbeed in ay ka hortaggaan in falal ka baxsan Ammaanka ay ka dhacaan magaalada Baydhabo.

Wasiirka Amniga Maamulka Koofur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidanka Booliska ay Adkeeyeen Ammaanka Magaalada Baydhabo, islamarkaana ay diyaar u yihiin ay ka hortaggaan falalka Amniga ka baxsan.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Musharaxiinta aysan ku xad gudbin hanaanka lagu xaqiijinaayo Ammaanka xilli ay jiraan Musharaxiin hub badan laga  galay Magaalada Baydhabo.