Al Shabaab Oo Sheegtay Dilal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka koowaad ayey sheegeen in ay u geysteen Askari ka tirsanaa Ciidanka DFS oo ku sugnaa degmada Shibis, kaas oo magaciisa ay ku soo koobeen Maxamed Deeq.

Al Shabaab ayaa sidoo kale warkan ku sheegay in sarkaal kale ay ku dileen degmada Dayniile, kaas oo isna magaciisa ay ku sheegeen Saacid Xolob.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in sarkaal kale oo ka tirsan Ciidamada dowladda ay ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in illaa saddex Askari  ay ku dileen qarax ka dhacay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda oo ku taalla xaafadda Laba Dhagax degmada Wardhiigley, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay siyaabo kala duwan howlgallo uga sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka Shibis, Wardhiigley iyo Dayniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayay amniga, sidoo kalena lagu baadi goobayay Raggii geystay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada  Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanku ay ka bixiyeen howlgalladaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa gudaha Caasimadda ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka oo qaarkood ay sheegteen  Al Shabaab.