Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ah oo lagu dilay Gobalka Galgaduud

0

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa Saaka dhaq-dhaqaaqyo militari waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud.

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Dhagaxyaale oo 50 KM u jirta degmada Guriceel ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen saraakiisha 6 dagaalame ay dileen, tiro intaa ka badana ay dhaawaceen.

Cabsi badan ayaa ka taagan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Galgaduud, iyadoona dad shacabka ay ka cabsi qabaan in ay markale dagaalamaan Al-Shabaab iyo Ciidamada maamulka Galmudug.