DHAGEYSO:-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay Khilaafka DFS iyo D/goboleedyadda

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ku dhaliilay dowladda dhexe ee Soomaaliya in aysan tanaasul u muujinin maamul goboleedyadda markii uu yimid Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sheegay in dib dhac weyn uu dalka ku yimid tan iyo markii uu bilowday Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda.