Akhriso:-Guddiga Maaliyadda oo ku eedeeyay hay’adaha dowladda wax is dabarin

0

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax is daba marin ku eedeeyay hey’addaha dowladda iyo Gobolka Banaadir.

Warbixin Guddiga Maaliyadda soo saaray oo maanta loo qeybiyay Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu soo bandhigay xisaabaadka Hey’addaha dowladda ee qarashka maaliyadda dalka ee Miisaaniyadda sanadka 2018.

Guddiga ayaa soo bandhigay warbixin ka kooban 14 bog oo looga hadlay wax is daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda dalka laga soo bilaabo Janaayo illaa Agosto.

Guddiga wuxuu si gaar ah u soo jeediyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir laga hakiyo miisaaniyadda maaliyadeed, sidoo kale waxaa uu faray Hanti dhowrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud inay baaritaan ku sameeyaan hey’adaha dowladda ee sameeyay wax is daba marinta iyo in si qaldan loo maamulay habkii miisaaniyadda dalka.