Akhriso:-Xasan Sheekh oo safaro ku tagaya maamul goboleedyada

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri lagu wadaa inuu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose, halkaasoo aheyd magaaladii u dambeysay ee uu tago intii aan looga adkaan doorashadii 8 February 2017.

Wafdi horudhac u ah oo isugu jira Xildhibaano iyo Senator oo ka tirsan Xisbigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Kismaayo, si ay u diyaariyaan soo dhoweyntiisa.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo uu bilow u yahay safaro uu ku tagayo xarumaha maamul goboleedyada dalka, waxaana uu ku soo aaday, iyadoo aanu wanaagsaneyn xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.