TOP NEWS:- Dowlada Soomaaliya Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweyay baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda Sacuudiga,kaasi oo ku aadan arrinta wariyihii lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leedahay dalka Turkiga ee Jamal Khashoggi.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhoweyneysaa baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo lagu xog-wareystay dadka u xirxiran dilka muwaadinka Sucuudiga Jamal Khashoggi.

Soomaaliya waxa ay u aragtaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska.