AKHRISO:- Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed oo la magacaabay

0

Waxaa maanta si rasmi ah looga dhawaaqay gudaha magaalada Baydhabo Guddiga Doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed islamarkaana ah ku-simaha Madaxweynaha Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ayaa ku dhawaaqay guddi doorasho oo ku kooban 15 xubnood.

Guddigan ayaa markiiba ,waxaa la horgeeyay fadhiga Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyagoona ku ansixiyay cod aqlabiyad leh.

Guddigan ayaa bedeli doona xubnijii horey isku casilau ,waxaana looga fadhiyaa dhameystirka howlaha ka dhiman qabanqaabada loogu jiro doorashada kaddib markii ay dib u dhacday waqtigii la qaban lahaa 17ka bishan.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xiligan ah mid si weyn isha loogu hayo taasoo ay isu soo sharaxeen musharaxiin dhowr ah uu kamid yahay Mukhtaar Roobow.