Akhriso:-CIA Maraykanka oo sheegtay in dilka khashoggi uu ka dambeeyay dhaxalsuge maxamed Bin Salman”

0

Hay’ada Sirdoonka dalka maraykanka ee CIA ayaa aaminsan in dhaxalsugaha  Boqortooyada Sacudi Carabiya Amiir Maxamed Bin Salman uu amray dilka Jamal Khashoggi.

Sida ay daabaceen qaar kamid ah warbaahinta dalka Maraykanka oo soo xiganaya ilo ku dhow CIA ayaa daabacay warkan ku saabsan in amarka lagu khaariiyay Khashoggi uu si toos ah uga yimid Dhaxalsuge Maxamed bin Salman.

Hase yeeshee Boqortoyada Sacudi  Carabiya ayaa beenisay in dhaxalsugaha uu ku lug lahaa dilka saxafiga wax ku qori jirey wargeyska The Washington Post.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka ayaa Mike Pence ayaa sheegay in ay waajib tahay dadka ka dambeeyay dilka Khashoggi in sharci la horkeeno.

Wargeyska Washington Post ayaa daabacay in CIA ay waxyaabaha ay daliishanayso ay ka mid yihiin taleefan uu u direy Dhaxalsugaha walaalkii Amiir Khaled bin Salman Jamal Khashoggi isagoo u xaqiijiyay inaysan wax dhibaato ah soo gaareynin haddii uu  tago qunsuliyada Sacudiga ee dalka Turkiga.

Balse Amiir Khaled ayaa sheegay inuusan wax xiriir ah dhex marin Khashoggi muddo ku dhow sanad isla markaana uusan kala hadlin arrimo ku saabsan qunsuliyada Turkiga.

Illaa iyo hadda Aqalka Cad ee Maraykanka iyo Wasaarada Arrimaha Dibadda maraykanka ayaan ka hadlin arrintan cusub ee ku saabsan Khashoggi.

Kumanaan ruux ayaa ka qeybgalay tukashada salaada Janaasada ee dadka meydkooda aan la hayn magaalooyinka Barakaysan ee Makka iyo Madina.