Maamulka galmudug oo gacanta ku dhigay baabuur qarax siday

0

Wararka naga oo gaaraya degmada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Gaariga ayaa la qabtay Kontoroolka laga soo galo Magaalada Caabudwaaq, waxaana ay hadda ku socda Baaritaano kala duwan.

Gaariga la qabtay ayaa la sheegay in jiraan shaqsiyaad la socday oo ay sidoo kale gacanta ku dhigeen Ciidanka Galmudug.

Saraakiisha Ciidanka Ammaanka Galmudug ayaa lagu waddaa in ay saacaddaha soo socda ay faahfaahin ka bixiyaan gaariga sidday waxyaabaha Qarxa ee ay gacanta ku dhigeen.