Akhriso:-Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalladii Mooyaale

0

Dagaallo Dhiig Badani Ku Daateen Ayaa Weli Ka Socda Magaalada Mooyaale Kuwaas Oo U Dhaxeeya Qawmiyadaha Oromada Iyo Soomaalida.

dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Mooyaale waxaa ku dhintay dad ka badan 20 qof halka  102 kalana ay ku dhaawacmeen Sida ay dadka degaanka u sheegeen Warbaahinta.

Dagaalka ayaa wali xal laga gaarin , waxaana wali ka socda dagaallo sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Madaxda xisbiga Oromada ee degmada Mooyaale Cali Tache ayaa sheegay iney dagalladu dhaceen wuxuu Soomaalida uu ku eedeeyey iney dhul ballaarsi doonayaan.

Wuxuuna intaa ku daray Soomaalida dagaalka soo qaadday iney dooneyso magaalada iney xarun gobol ka dhigtaan, cabashadoodana ka maamul oroma ahaan ay deegaanka iyo dowladda dhexeba cabashadooda gaarsiiyeen balse ay weli jawaab ka helin.

Dagaallada qowmiyadda Soomaalida iyo oromada ku dhex mara magaalada Mooyaale oo soo noqnoqda xagga dowladda Itoobiya wax xal ah oo waara kama aysan gaarin.