Kooxo hubeysan oo wiil dhalinyaro ah ku dilay Muqdisho

0

Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa Maanta degmada Wartanabadda gaar ahaan Xaafadda Labo Dhagax ku dilay wiil dhalinyaro ah.

Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.

Sidda ay inoo xaqiijiyeen  dadkii goobta ku sugnaa ruuxa la dilay ayaa ka mid ahaa Shaqaallaha Shirkadda Hormuud Laanta Laba Dhagax.

Todobaadkaan gudihiisa ayaa sidoo kale Xaafadda Baar Ubax lagu dilay labo ruux oo ka mid ah Shaqaallaha Shirkadda Hormuud.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.