Dooda Isku Dayga Marin Habaabinta Shacabka Ee Iskaashiga Dowladaha Geeska Africa Maxaa Ka Run ah? W/Q. Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire

0

Maal-mahan waxaa baraha bulshada Soomaalida laga dheeganayey dood ku saabsan heshiiska iskaashi ee qaar ka mid ah dowladaha Geeska Africa gaareen.

Doodaan oo si ku tala gal ah loo abuuray u jeedada looga golleeyahayna tahay in lagu marin habaabiyo shacabka si looga horkeeno dowladda Soomaaliya ee shisheeye iyo sokeeyaba qirey horumarka ay ka gaartay dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.

Qolyaha faafinaya xoggaha iyo fasiraadaha qaldan ee ku saabsan shirarkii sadex geesoodka ahaa ee madaxda dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eratariya ayaa doodaan saldhig uga dhigaya xaasaasiyadda taariikhda Soomaaliya iyo Itoobiya ayagoo sawiraya xaalad khataro la buun-buuniyey oo la abuuray.

Intii mudo ah Itoobiya waxey noqotay wado siyaasi kastoo danihiisa gaarka ah ka waaya dowladda uu shacabka ku kiciyo asagoo ka faa’iideysanaya xaasaasiyada taariikhda ka dhexeysa labada dal.

Haddaba ayadoo ay sax tahay ka taxadarka iyo illaalinta dannaha qaranka Soomaaliyeed, ayaa haddana waxaa haboon inaan si aan caadif ku dhisneyn u darisno isbadalada socda iyo dhacdooyinkii hore, arragti kasto oo aan qaadanayna noqoto mid run iyo xaqiiq ku qotanta.

Dowladda Soomaaliya waajib ayaa ka saaran hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dowladaha caalamka iyo gaar ahaa kuwa dariska, xiriirkaas iyo iskaashigaas oo ku dhisan maslaxad loo siman yahay, waa arragti siyaasaddeed oo dowlad iyo madaxweyne kasta oo talada dalka qabta looga baahan yahay inuu ku dadaalo xaqjiiyana dannaha nooga xiran dowladaha qalaad.

Sida uu qabo Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, xukuumadda iyo hay’addaha fulintu waxay u xilsaaran yihiin galista heshiisyadda caalamiga ah ee lala galayo dowladaha shisheeye, waxaana xukuumadda iyo madaxda qaranka waajib daatuuri ah ku ah inay heshiisyada ay dowladaha shisheeye la galaan hor keenaan gollaha xukuumadda kadibna loo soo gudbiyo gollaha baarlamaanka si uu uga doodo una hubiyo inuu u adeegayo maslaxadda dalka, ayadoo gollaha shaacbku leeyahay awoodda go’aan ka gaarista dhaqan galka heshiiskaas.

Haddaba marka la eego hanaanka iyo wadada sharciyan loo maro heshiisyada lala galo dowaldaha shisheeye maaha mid qol mugdi ah lagu meel marin karo, ayadoo aan ognahay heshiis rasmi ah oo dowladdu saxiixdey inuusan jirin, marka laga soo reebo is-fahan guud oo ku saabsan inay dowladaha geesku iska kaashadaan dhinacyada amniga , ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha, sidaas-darteed ma jirto sabab nala kugu abuuro cabsi galin looga dan leeyahay ujeedo siyaasadeed oo la’iskaga horkeenayo shacabka iyo dowladda.

Waa dhab in Soomaaliya iyo Itoobiya ay soo dhex mareen dagaallo ay sababeen dhul iyo loolan dhanka awoodda siyaasadda Geeska Africa, ayagoo khilaafaadkaas hubeysani ugu dambeyntii hor-seedeen in jabhadihii labada dal ee ay kala taageerayaan Madaxweyne Maxamed Siyaad iyo Mingesto Haile Mariam ay xukunka ka tuuraan labadii maamul ee ay kala hoggaaaminayeen madaxweyne Maxamed Siyaad iyo Korneyl Mingeste.

Nasiib darro anaga markii taladii dalkaanaga ay la wareegeen jabhadihii Itoobiya soo hubeysay sanadkii 1991 waxaan ka dhaxalnay qaran jab iyo dowlad la’ aan Soomaaliya ka dhigtay beylah aan wax difaaca laheyn.

Dhanka kale jabhadihii Itoobiya talada ka tuurey Mingeste waxay ku guuleysteen in ay talada dalkooda la wareegaan islamarkaana badbaadiyaan midnimada iyo jiritaanka qarankooda.

Mudadii aan ku jirnay dowlad la’aanta iyo sanadihii dambe ee ay dalka ka jireen dowlaha taagta darran, maamulkii Melez Zenawi ee ka talinayey Itoobiya wuxuu qaatay arragti ku saleysneyd haddii ay Soomaaaliya ka dhalato dowlad awood leh oo dalka oo dhan maamusha inay qatar ku noqonayso amniga Itoobiya waxeyna isku qanciyeen inay dib usoo laaban karta sheegashadii dhulka.

Arragtidaasi waxey saldhig u aheyd siyaasaddii Zenawi ee qeybi oo xukun waana midda uu mar walba Zenawi banaanka la taagnaa in Soomaaliya laga hirgaliyo dowlad goboleedyo qabiil ku dhisan oo mid walba toos ugu xiran tahay Addis-Ababa.

Isla siyaasadaas ayey aheyd middii Melez uu ugu hor yimid natiijadii shirkii Carta, asagoo u arkayey Axdigii KMG ahaa ee lagu dhisey dowladii Carta, madaxdii la doortay iyo qaab dhismeedkii dowladaas mid horseedi kartey Soomaaliya inay ka dhalato dowlad ka duwan noocii dowladeed ee uu Soomaaliya ka doonayey.

Hoggaanka iyo maamulka cusub ee talada dalka Itoobiya hadda haya waxay ku celceliyee inay la imaanayaan siyaasad ka duwan tii hore oo ay kula dhaqmayaan dowladdaha Geeska Africa, islamarkaana ay siyaasadda gudaha ee dalkooda wax badan kaga badalayaan.

Illaa iyo hadda waxaa muuqata inay qaadeen tillaabooyin muujinaya isbadalkaas, sida heshiis ka ay kusoo af-jareen colaadii kala dhaxeysay Eratariya iyo sida cad ee ay ugu celceliyeen inay ixtiramayaan madax banaanida, midnimada iyo arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dabcan hoggaanka Itoobiya wuxuu u taagn yahay waa ka shaqeynta dannaha qarankooda, balse annaga haddaan nahay Soomaali waxaa nala gudboon in aan hoggaanka Itoobiya uu muujino inaan diyaar u nahay inay labada dal la yimaadaan siyaasad ka duwan tii naga dhaxeysay annaga iyo Itoobiya ee ku dhisneyd neceybka, kala shakiga, is-aamin darrada iyo hagardaamada joogtada aheyd taasoo qeyb weyn ka qaadatay inaan si dhaqso ah uga soo kaban weynay qaran jabkii nagu dhacey.

Madaxweynayaashii kala ahaa Abdullaahi Yusuf, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh sadexduba waxay ku dadaaleen in la hagaajiyo xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya si aysan caqabad ugu noqon dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad aysan la noolaan karin dowladdo daris ah oo cadaawad kala dhaxeyso Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi waajib ayaa ka saaran inuu hagaajiyo xiriirka iyo darisnimo wanaag ku dhisan is ixtiraam iyo kala faa’iideysi loo siman yahay, ayadoo mar walba la illaalinayo arrimaha lama taabtaaanka u ah qaranimada Soomaaliya.

Dhanka doodaan laga abuuray heshiis ka iskaashiga dowladaha Geeska, waxaa wax lala yaabo ah, shacabka Soomaaliyeed-na ay tahay inay ka feejignadaan in qaar badan oo ka midda kuwii sanaddo badan nadaamkii Zenawi ku caawinayey inaan Soomaaliya kasoo kaban qaran jabkii ku dhacay ay doonayaan inay shaati wadani shacaka u gashtaan, ayadoo aan ognahay dowladda hadda jirta iyo hoggaankeeduba ay si cad ugu sheegeen madaxda Itoobiya in iskaashi xiriir wanaagsan oo labada dal dhex mara uu sal dhig u noqdo in dal walba dalka kale xushmeeyo madax banaanidiisa iyo xornimadiisa qaranimo, wuxuuna qodobkaani si cad uga dhex muuqdey war-murtiyeedyadii kasoo baxay dhawrkii kulan ee madaxdu yeesheen.

Ugu dambeyntii waxaa dowladda- Soomaaliyeed iyo shacabkeedaba la gudboon inay la yimaadaan siyaasad cad oo ku dhisan iskaashi iyo darisnimo wanaag ayadoo mar walba la hormarinayo illaalinta dannaha qaranka, waana inaan ka gudubnaa is eedeynta iyo arragtida ku saleysan qof iska celinta.

W/Q: Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire

Dooda Isku Dayga Marin Habaabinta Shacabka Ee Iskaashiga Dowladaha Geeska Africa Maxaa Ka Run ah? W/Q. Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire

Dooda Isku Dayga Marin Habaabinta Shacabka Ee Iskaashiga Dowladaha Geeska Africa Maxaa Ka Run ah? W/Q. Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here