DHAGEYSO:-Ku dhawaad 300 oo Gaadiid ah oo ku xaniban Shabeellaha Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in gaadiid ku dhow 300 oo gaari oo xamuul u badan ay ku xaniban yihiin duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in gaadiidkaan sababta ay loo xayiray ay tahay in Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Shabeellaha Hoose in ay doonayaan in ay ka qaadaan lacago baad ah.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay Isbaaro dhigteen wadooyinka ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan duleedka degmada Afgooye.