DHAGEYSO:-Guddoomiyaha Baardheere Oo Ka Horyimid Xilka Qaadis Lagu Sameeyay

0

Guddoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid xilka qaadis la sheegay in lagu sameeyay .

Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa xusay in uu isagu uu yahay guddoomiyaha saxda ah ee degmada Baardheere, sida uu hadalka u dhigay.