Wasiiro ka tirsan Soomaaliland oo lagu weeraray Laasacaanood

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool ayaa Sheegaya in XCiidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaadeen wasiiro ka tirsan Soomaaliland oo  ka yimid magaalada Hargaysa.

Xubnahan wasiirada ayaa waxaa la sheegay in madaxweynaha Somaliland uu u soo diray deegaanka Dhummay, si ay u soo qiimeeyaan xaalada ka taagan deegaankaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin iyo wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Koore ayaa loo diidey ka qaybgalaan shirka lagu qabanayo Deegaanka Dhumey ee Koofurta Gobalka Sool.