SAWIRRO:-Wararkii ugu danbeeyay qaraxyadii ka dhacay muqdisho

0

Waxaa Sii badanaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CID.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka badan yihiin 20 ruux oo ahaa dad rayid ah oo ahaa dadkii wadada marayay.

Qaraxyada ayaa dhacay xilli wadada mashquul aheyd, gawaari fara badan ay wadada laamiga hormarta Hotelka Saxafi ay marayeen.

Mid ka mid ah gawaarida qaraxa uu saameeyay ayaa ahaa gaadiidka dadweynaha oo ay dad badan saarnaayeen xilliga gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxayay wadada Laamiga ee Hotelka Saxafi.

La soco wixii soo kordha