SAWIRRO:-Duqa Muqdisho oo Bulshada Dayniile ku boggaadiyey dadaalladooda Nabadda iyo Is-dhexgalka.

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniile ku dhiirigeliyey dadaalladooda ku aaddan Nabadda iyo Is-dhexgalka.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Amniga Caasimadda ee soo hagaagaya uu ku yimid dadaalka iyo naf-huridda Ciidanka Amniga iyo garab-istaagga shacabka, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshadu in ay sii wadaan dadaalkooda si looga guuleysto cadowga mar walba u taagan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb-galayay isku-imaad lagu taageerayay barnaamijka Is-xilqaan iyo horumarrada dhinacyada Amniga iyo Dariseynta, ayaa ugu baaqay bulshada Dayniile in ay gacmahooda ku dhistaan degmadooda, maamulkiisuna uu garab taagan yahay.

“Shacabka Dayniile waa in ay u istaagaan horumarinta degmadooda, ma jiro qof kale oo inta bannaanka idiinka yimaada adeegga iyo horumarkaa u baahan tihiin idiin keenaya, waa idinka cidda laga sugayo wax walba oo Dayniile u baahan tahay”.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno, Guddoomiye ku-xigeennada Gobolka, qaar kamid ah maamullada Degmooyinka, Fannaaniin iyo qeybaha bulshada ee Degmada Dayniile.