DHAGEYSO:-Dhalin-yaro Muddo Ku Dhibaateysnaa Liibiya Oo Laga Soo Dejiyey Garoonka Diyaaradaha Hargeysa

0

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa Ee xarunta Soomaaliland Waxaa Laga Soo Dejiyey 41 Dhalin-yaro Kuwaas Oo Muddo Ku Dhibaateysnaa Gudaha Dalka Liibiya.

Dhalin-yaradan Laga Soo Dejiyey Garoonka Diyaaradaha Hargeysa Ayaa Ka Kooban 40 Rag Ah Iyo Qof Dumar Ah.

Garoonka Waxaa Kusoo Dhaweeyey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Hay’adda Barakacayaasha Soomaaliland Kuwo Ka Socda Hay’adda Socdaalka Adduunka Ee IOM Iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Soomaaliland.

Ugu Horreyntii Waxaa Saxaafadda La Hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Soomaaliland C/kariin Axmed Max’ed Xinif Waxa Uuna Sheegay In Ay Dib U Dejin U Sameyn Doonaan Dhalin-yaradan.