Booliska Ethiopia oo ka helay Xabaalo wadareed xadka Gobolada Soomaalida iyo Oromia

0

Booliska Ethiopia ayaa sheegay inay ka heleen xabaalo wadareed ay ku aasan yihiin illaa labo boqol oo ruux meel ku dhow xadka Soomaalida Ethiopia iyo Oromia.

Boqolaal kun oo ruux ayaa ku barakacay sanadkii hore rabshado ka dhacay deeganadaas. Waxaa socda hadda baaritaan lagu doonayo in lagu aqoonsado meydadka laga helay xabaalo wadareedka.

Warbaahin maxali ah ayaa sheegtay in xabaalahan la helay kadib markii baaritaano laga sameeyay gabood falo uu sameeyay Madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Ethiopia.

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida ayaa weli waxa ay dacwad ugaga socotaa maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa iyadoo la filayo in markale maanta la soo taago.

Ciidamada Liyu Boolis ayaa lagu eedeynayaa inay dad badan ku dileen deegaanada u dhexeeya gobolka Soomaalida iyo Omariada waxaana ay si toos ah ugaga amar qaadanayeen Madaxweynihii hore.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qasbay in uu is casilo bishii August ee sanadkan waxaana la xirey toddobaadyo kadib markii banaanbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen magaalada Jigjiga.

Bishii ayny ka soo gudubnay ayaa wakaalada wararka ee Fana waxa ay shaacisay in uu isku dayay Cabdi Maxamuud Cumar inuu ka baxsado xabsiga.