DHAGEYSO+SAWIRRO:-Qodobadda looga hadlay Shirka Golaha Wasiiradda Jubbaland

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada amniga Jubbaland iyo guud ahaan xaalada Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka warbixiyay kulanka golaha amniga Jubbaland iyo waxyaabahii Todobadkan lagaga hadlay iyo qiimayn lagu sameeyay go’aamadii amni ee horay loo qaatay.

Wasaarada qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa soo gudbisay qaylo dhaanta la xiriirta sidii loogu gurman lahaa dadka ku nool qaar kamid ah Jaziiradaha iyo deegaan xeebeedyada Jubbada Hoose kuwaas oo xaalado adag ay ka jiraan iyadoo Wasaaradu ay ugu baaqday Dowlada iyo dhamaan dhinacyada kala duwan in ay gurmadkaas ka qayb qaatan.

Dhinaca kale Wasaaradu waxay ka warbixisay kulamo iyo shirar dhex maray iyaga iyo deeq bixiyayaasha kulamadaas oo wali qabyo ah isla markana natiijooyin fiican laga gaaray.

Wasaarada Amniguna waxaa ay ka warbixisay halka uu marayo shirka amniga Dowlad Goboleedyada dalka oo kasocda Magaalada Kismaayo kaas oo go’aan midaysan iyo istiraatijiyad mid ah lagaga qaadan doono xaaladaha amniga wadanka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Wasaarada Maaliyada ayaa dhankeeda soo bandhigtay halka uu marayo qorshaha dhismaha qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Kismaayo iyadoo qorshahaas oo ay Wasaaradu garwadeen ka tahay meel marintiisa la iska kaashan doono sidii loo dardar galin lahaa isla markana howshu u bilaaban lahayd wakhtiga ugu macquulsan.

Wasaarada Arimaha gudaha ayaa ka warbixisay kulan ay la qaateen masuuliyiin kasocotay ismaamulka wajeer ee wadanka kenya kaas oo lagaga hadlayay sidii iskaashi buuxa looga samayn lahaa dhinacyada amaanka waxbarashada Caafimaadka iyo isku socodka Bulshada iyadoo kulamo kale iyo safaro ay masuuliyiinta Jubbaland ismaamulkaas ay ku tagayaan.