Amnesty International Oo ka hadashay dil dad rayid ah loogu geystay Muqdisho

0
War ka soo baxay Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa waxaa looga hadlay dad Shacab oo Dhawaan lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Hay’adda ayaa Shaaca ka qaaday in ay muhiim tahay in baaris Deg deg ah lagu sameeyo kiis dil ah oo dhawaan ay geysteen Ciidamada AMISOM.
Sidoo kale Hay’adda ayaa sheegtay in falka ay geysteen AMISOM uu yahay mid ka baxsan xaquuqda Aadanaha, iyagoona arintaasi walaac ka muujiyay.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamada AMISOM ay dad shacab ku dileen isgooska SOOS ee Magaalada Muqdisho.