DHAGEYSO:-Maamulka gobolka banaadir oo sheegay in la qabtay askari gabar ku dilay wadajir

0

Guddoomye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa sheegay in Ciidanka amaanka ay gacanta ku dhigeen Askari dil u geystay Gabar lagu magacaabayay Safiya C/Raxmaan Maxamuud.

Tuulax oo booqday qoyska Gabadha ayaa uga tacsiyeeyay geerideeda,waxa uu intaas ku daray in Askariga ay soo qabteen caddaaladdana marsiin doonaan.

Tuulax ayaa dhinaca kale sheegay in Hooyada dhashay Safiya oo xanuunsan uu Maamulka Gobolka ka caawin doono daweynteeda.