DHAGEYSO:-Muxuu Salka ku hayaa Go’aanka uu shariif Xasan kaga dhawaaqay Baydhabo?

0

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kaddib cadaadis siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay la kulmayay.

Shariif Xasan ayaa xilliga uu ku dhawaaqayay is casilaadiisa waxaa hareer taagnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye

Waxaa uu kaloo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka Musharaxnimada, taasoo soo afjareysa jahwareerkii ka taagnaa doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Is casilaada Shariif Xasan waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Arrimaja Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo goor si horeysay gaaray Baydhabo