SAWIRO:- -Xaaf Iyo Sheekh Shaakir Oo Gaalkacyo U Tegay La Kulanka Ergeyga QM

0

Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa Maanta gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda Maamulkaas Maxamed Shaakir Cali Xasan

Wafdiga Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa inay tagaan Dhuusamareeb si ay ula kulmaan Xaaf iyo Sheekh Shaakir balse gaadiidkooda kuwa aan rasaasta Karin ayaa loo diiday inay u gudbaan Magalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda ayaa Diyaarad ku tegay Gaalkacyo,iyaga oo halkaasi u tegay la kulanka Ergeyga QM oo wada xal u raadinta khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay Nickolas Haysom ayaa horay ula soo kulmay Madaxweynayaasha Maamulada Hir-Shabeelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland,waxana Maanta uu gaaray Magalada Hargeysa,isaga oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.