Erdogan oo dilkii Khashoggi si toos ah ugu eedeeyay Madaxda sare ee Sacuudiga

0

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si toos ah ugu eedeeyay Madaxda sare ee Boqortooyada Sacuudiga in ay amreen waxna ka ogaayeen dilkii Istanbuul loogu geestay Wariye Jamal Khashoggi.

Qoraal uu Madaxweyne Erdogan ku daabacay wargeyska the Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in amarka dilka Wariyaha loo geestay uu kasoo baxay Madaxda sare ee Sacuudiga.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Erdogan ragii fuliyay dilka Wariye Jamal Khashoggi in ay fulinayeen amar la siiyay, waxa uuna xuusay Erdogan in uusan rumaysnayn in Boqor Salmaan uu arrintaasi ku lug lahaa.

“Waxaannu ognahay in amarka lagu dilay Khaashuqji inuu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga, waxaannu kaloo ognahay in shakhsiyaadkaas ay Turkiga u yimaadeen inay fuliyaan amarro la soo siiyay: oo ah inay dilaan Khaashuqji kaddibna ay iska tagaan” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Hadalka Erdogan ayaa sii xoojinaya tuhunka laga qabo in dilka Wariye Jamal Khashoggi uu amray dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, waxaana xubnaha dilka fuliyay ku jira rag aad ugu dhawaa Dhaxal sugaha.