DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida oo Dignin diray

0

Xilli mararka qaarkood dadka Shacabka ah ay ka cabanayaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhaawac oo ay u geysanayaan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa arrintaasi digniin ka soo saartay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalaba sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ciidamada uu uga digayo in qof aan hubeysneyn oo Shacab ah inay dilaan.

Waxa uu sheegay in ciidamada looga baahan yahay in dadaalka ay bixinayaan aysan ku dheelin hal qof iyo laba qof,isla markaana muhiim ay tahay in dadka ay helaan amni.