DHAGEYSO:- Madaxweyne Shariif Xasan oo ka hadlay Musharixint Arrimo uu ka xumaday sameyey

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Maanta dib ugu laabtay Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kadib shirkii Garoowe ayaa ka hadlay musharixiinta Baydhabo la tegay baabuurta aan xabada Karin.

Waxa uu sheegay in maalmahaan ay soo gaareysay in musharxiin dowladda Federaalka wadato ay Gawaari aan xabadi Karin la soo galeen Magalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in taasi ay tahay qalad in qof aan weli la dooran in gaari ay dowladdu soo siiso,waxaana uu sheegay in ay la mid tahay in qofkaasi la doortay.

Maalma ka hor ayaa waxaa Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay si kala gooni gooni ah u tagay musharixiinta kala ah taliyihii hore ee Nabadsugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo Cabdi Casiis laftagareen oo ka mid ahaa Golaha wasiirada Soomaaliya,iyaga oo wata Gaadiidka aan xabada Karin.