DHAGEYSO:- Maamulka Gobalka Banaadir oo wada Bur burinta Gobaha sharci daradda ah

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta bilaabay burburinta Guryo ay ku sheegeen in sisharcidarro ah loo dhisay oo ay u soo galeen wadooyinka ku yaalla degmada waaberi.

Goobta burburinta ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,guddoomiye ku xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulka degmada waaberi.

Guddoomiyaha degmada Waaberi Mahad Cilmi Cali ayaa sheegay in Maamulkooda uu ku howlan yahay dib u furida wadooyinka mara Xaafadaha degmadaas,isla markaana maanta ay bur buriyeen dhismaha Guri siharcidarro ah looga dhex dhisay mid ka mid ah wadooyinka degmadaas.