AKHRISO:- Aqalka Sare oo soo dhoweeyay magacaabista Ra’iiisul Wasaare Kheyre ee Guddiga Heer Wasiir

0

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa sood dhoweeyay magacaabista uu ra’iisul Wasaare Kheyre magacabaay guddi heer wasiir ah oo kala shaqeeya Aqalka sare sidii loo xalin lahaa khilaafkau dhexeeya dowlada Federalka iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Aqalka sare ayaa waxa ay kaga hadleen arrimahaasi, waxaana guddoonka Aqalka Sare uu sheegay in xukuumadda fderaalka Soomaaliya ay ka soo jawaabtay farrimaha ku aadan wax ka qabashada tabashooyinka jira.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Aqalka sare u gudbiyey guddi uu u magacaabay ka shaqeynta xalinta tabashooyinka dowlad goboleedyada, kaasi oo la shaqeyn doona golaha Aqalka Sare.

Guddigaan uu magacaabay ra’iisul wasaare Kheyre oo ka kooban ilaa 4 xubnood ayaa guddoomiye u ah wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta XFS, iyaddoo ay sidoo kale xubno ay ka yihiin wasiiradda Dastuurka, Maaliyadda iyo amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyha golaha Aqalka sare ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyey Jawaabta ay ka siiyeen siddii xal loogu heli lahaa is afgaran waaga u dhaxeeya dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyadda.