SAWIRO:- Maamulka Hiirshabeele oo Warsaxafadeed kaso saaray Coladda Gobalka Sool

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleed Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed ee dagaaladu ku dhex marayaan deegaano ka tirsan gobolka Sool inay dagaalada joojiyaan oo ay khilaafkooda wadahadal ku dhamaystaan.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku tilmaamay nasiib darro in dadka Soomaaliyeed ay weli is dilayaan laga soo bilaabo sanadkii 1988dii oo laga joogo muddo soddon sano.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo maant ka hadlayay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle oo kalfadhigii 4aad u soo xirmay.

Munaasabadan ayaa waxaa kaloo ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Guddoomiyaha baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed iyo ku xigeenadiisa,qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka,wasiiro iyo wasiir ku xigeeno.

Khudbadii uu ka jeediyay munaasabadan ayuusan ku soo hadal qaadin Madaxweyne Waare shirka ka dhacay magaalada Garowe ee ay ka qeybgaleen madaxda maamul goboleedyada kale.

Balse waxa uu sheegay Madaxweynaha Hirshabelle in ay habboon tahay in dowlada federalka iyo maamul goboleedyada ay wadahadlaan.

Isagoo ka hadlayay dhaqdhaqaaqyo Milatari oo ka socda deegaano kamid ah Hirshabelle ayuu yiri Madaxweyne Waare; “Waxaa socda dhaqdhaqaaqyo Milatari oo lagu furayo wadada isku xirta magaalada Muqdisho illaa iyo Beledweyne sidaa darteed xildhibaanada waxaan ka codsanayaa in ay tagaan deegaanadaas isla markaana bulshada la hadlaan oo ay soo ogaadaan xaaladaha ka jira deegaanada laga xoreeyay nabad diidka.”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku amaanay xildhibaanada baarlamaanka howlaha ay qabteen mudadii uu socdy kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa kalfadhigii 4aad si rasmi ah loo soo xirey waxaana u bilowday fasax muddo labo bilood ah,mudadii uu socday kalfadhiga 4aadna waxa ay ansixiyeen xildhibaanada hindise sharciyeedyo la horkeenay.